Hooyo iyo Aapo

Joined
Feb 15, 2018
Messages
10
Ratings
12
Points
3
#1
Hooyaday macaneey
Hiiladii naftaydaay
Hibo Alle iga beeriyo
Hablaha tii u sidataay
Hanaankaaga quraxdiyo
Dheeman aan la heliniyo
Dhalad la hubaa tahay

Hogol curatay baa tahay
Adigay haqab tira
Hafaryo aan aqoono
Hoo-diyo wax siismada
Halab karuura canaha
Hilib iyo Hadhuudhkaba
Horaytiyo mudnaantaada
Anigaa hantiyayoo
Hamta ku horayn jiray


Hab intaad isiisee
Igu habtay caane
Himildaada aduunkiyo
Hiigsi iyo hankaaguba
Hafaryadu ma fiicnee
Halyeey rijaal oo ba'an
Haldoorkii rageediyo
Inaan Hormuud noqdo
Dhaaxad ku hamisee


Habeen dumay alaylkii
Hargab yar haduu jiro
gam'iwaayo hurdadii
Ma haleeshid adiguba
hab u seexad wacaniyo
Inaad hagaag u gama'daa
 
Joined
Feb 15, 2018
Messages
10
Ratings
12
Points
3
#2
Allahayow casiisow
Adigaa awood leh
Amarkaagu sarreeyaa
Insi iyo jaankaba
Labadaba uumoo
Midna kula ekaynoo
Ajashooda qadaroo
Ayaamahooda wada haya

Anfac amase iidaan
Wax la cuno idaylkii
AF wixii la galiyo
Ama la calaanjiyo
Oonkana haqabtira
Irdheeyana harraadkii
Abuurtooda hore iyo
Adiga leh agaasinkooda
Ma aha Amaah bixi
Ama shay la iibsado
Gallad Eebe weeyaan

Allahayow Casiisow
Aapahay iyo awooyaal
Adeerro iyo ayeeyooyin
Ehel intaan wadaagnee
Ama Iimaan na kulanshee
Ee Ubad islaameed ah
Aakhirana u kicitamay
Allahayow waduudoow
Udgoonkii Jannaad iyo
Agabkii Firdaws iyo
Ammaan iyo salaam iyo
ay raxmadaada asiibaan

Aragayga daymada
Qalbiigiyo arwaaxdayda
Adigay ku arkayaan
Kuu ilmaynayaano
Kuu uubataynoo
Kaa ahaan karaynee
Aboow magan Alliyo
Allahayow Janno kusii

Ameen